DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo loogu baaqay inuu xalliyo tabashooyinka ka dhashay maalgelinta jaamacadaha

0
200

Janet Ouko oo horay u soo noqotay wasiiraddii waxbarashada ee dowladda ismaamulka Nairobi ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku boorrisay inuu ku dadaalo xallinta tabashooyinka ardayda ee ku aaddan hannaanka ay dowladdu ku maalgelinaysa tacliinta jaamacadaha iyo machadyada farsamada.
Waxay carrabka ku adkeysay in madaxweynaha laga doonaya inuu maalgelintan u arko mid horumarineed.
Janet ayaa ku doodaysa in maamulka jira uu culeysyo dheeraad ah saaray ardayda halkii la doonaya inuu ka qafiifiyo qarashaadka waalidiinta uga baxa xarumaha sare ee waxbarashada.