Israa’iil oo duqeymo culus ka gaysanaysa bartamaha Qaza

0
164

Waxaa sii xoogeysanaya weerarrada ay taangiyada dagaalka ee Israa’iil ka gaysanayaan magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza.
Sidoo kale bambooyin lagu bartilmaameedsaday xerada qaxootiga ee Maghazi ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan saddex qof oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay sheegaysa in danta ay ku qasab tahay in ay hakiso howlaha gargaarka ee ay ka bixinaysay gudaha Qaza.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil amartay in daadgureyn shacab laga sameeyo magaalada Deir el-Balah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 40,435 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 93,534 kale.