Booliiska Kenya ee la geeyay Haiti oo la wareegay kaabayaal muhiim ah

0
228

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada booliiska dalka ee la geeyay waddanka Haiti ay soo hooyeen guulo wax ku ool ah.
NPS ayaa hoosta ka xarriiqday in saraakiishan oo hoggaaminaya howlgalka nabad sugidda ee Haiti ee (MSS) ay kooxaha hubeysan ee dalkaasi kala wareegeen aagga muhiim ah oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Port-au-Prince.
Waxay si dhow ula shaqeynayaan booliiska qaran ee Haiti iyo bulshada maxalliga ah.
Meelaha ay ciidamada dib ula wareegeen waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha iyo waddooyin muhiim ah.
Adeegga qaran ee booliiska ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay suurtagashay in Haiti ay dib ugu soo laabtaan kumanaan qof oo horay u barakacay ka dib marka sida ay qoraalka u dhigtay meesha laga saaray walaacii ay dadweynaha ka qabeen xaqiijinta badqabkooda.