DHAGEYSO:Dhalliyarada oo sheegay in ay berri dibadbax sameyn doonaan

0
257

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri ay dibadbax sameeyaan dhallinyarada dalka oo dowladda ku eedeynaya in aynan tixgelin xeerarka iyo xuquuqda dastuuriga ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada booliiska ay maanta kala eryeen da’yartan oo u diyaar garoobayay bannaanbaxa berri.
Laamaha ammaanka ayaa xiray dhowr qof oo uu ka mid yahay Prof. Fred Ogolla.

Dibadbaxyada qorsheysan ayaa ku soo aadaya iyadoo berri loo dabbaal degaya sanadguuradii 14-aad ee ka soo wareegatay xilligii la soo bandhigay dastuurka waddanka u degsan 27-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii 2010-kii.

Da’yarta ayaa sidoo kale dalbanaya inuu is casilo madaxweynaha dalka William Ruto oo ay ku eedeynayaan in maamulkiisa uunan la dagaallamin musuqmaasuqa.
Waxay doonayaan in la siidaayo dhallinyaradii la xiray xilligii dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda sidoo kalena ay cadaalad helaan qoysaska dadkii mudaaharaadyada ku dhintay.