DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo amray in la shaqaaleysiiyo 20,000 oo NYS ah

0
245

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta karaanka aadanaha ee waddanka ku amray in ay xaqiijiso in la shaqaaleysiiyo ugu yaraan 20,000 oo ah dhallinyarada ku biiraya adeegga qaran ee da’yarta ee NYS.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcadii 88-aad ee dhallinyarada uu u soo dhamaaday tababarka adeegga qaran ee NYS oo lagu qabtay machadka adeeggan ee deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru.
Sidoo kale waxaa uu amar ku bixiyay in dhallinyaradan la siiyo tababarro aasaasi ah oo ku saabsan adeegsiga hubka.

Waxaa sanadkan tababar qaatay 6 bilood loo sameeyay 14,602 oo ah dhallinyarada NYS.