Madaxweynaha dalka oo berri shaacin doono musharraxnimada Raila ee AUC

0
234

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu abaare 8-da subaxnimo ee berri oo Talaado ah aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu si rasmi ah ugu shaaciyo ama ku soo bandhigo musharraxnimada Raila Amolo Odinga.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa u tartamaya jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Dhowr ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ayaa la filayaa in ay munaasabadaasi ka soo qayb galaan.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Korir Sing’Oei ayaa sheegay in ololaha ku aaddan musharraxnimada Raila Odinga ee xilka AUC-da uu billaaban doono ka dib marka uu madaxweynaha la wadaago qaaradda iyo caalamka.
Waxaa uu ammaanay waaya aragnimada siyaasadeed iyo waddaniyadda Raila Odinga oo uu ku tilmaamay mid aan lala barbardhigi karin musharraxiinta kale ee jagadan kula tartamaya.