Kalonzo Musyoka ku goodiyay mudaaharaad ka dhan ah hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta sare

0
328

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Kalonzo Musyoka ayaa ku goodiyay inay abaabuli doonaan mudaaharaadyo ka dhaca dalka haddii ay dowladdu ku dhaqaaqdo hirgelinta hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta sare ee wadanka oo uu walaac xooggan ka dhashay.
Waxaa uu sheegay in hannaanka cusub ee ay dowladdu ku maalgelinaysa waxbarashada jaamacadaha iyo machadyada farsamada laga dheehan karo cadaalad darro iyo musuqmaasuq.
Kalonzo ayaa xusay inay ka go’an tahay inuu kor hortagga in dalka uu dib ugu laabto xilligii kalitalisnimada.
Waxaa uu dowladda ku dhaliilay inaynan dhinacyada waxbarashada ka qaybgelin ku dhaqaaqista hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta sare.
Madaxa xisbiga Wiper ayaa intaasi ku daray in hannaankan cusub uunan lahayn latashi taasoo keentay in arday badan ay ka soo horjeesteen.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo eego heerarka kala duwan ee lagu saleeyay awoodda dhaqaale ee qoysaska ay ardayda ka soo jeedaan.