Sheekh Cali Dheere oo u hanjabay ganacsatada iyo bangiyada ka dib tallaabadii dowladda Soomaaliya

0
449

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo muuqaal iska soo duubay ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay canshuurta iibka ee ay dhawaan soo rogtay dowladda Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere oo digniin culus soo saaray ayaa marka hore arrintan ku tilmaamay dhac loo gaysanayo hantida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in canshuurtan ay billow u tahay baneysashada hantida ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan rabnaa inaan caddeyno mowqifkeenna ku aadan ficillada boobka iyo burcadnimada ah ee ka socda dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, haddii aan nahay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin wax badan ayaan ka hadalnay falalka gurracan ee uu cadowga ku hayo ummadda Soomaaliyeed, waana ka dignay hagardaamooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee lagula wareegayo hantidooda” ayuu yiri afhayeenka kooxda Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale u digay ganacsatada iyo bangiyada dalka Soomaaliya ee fuliyay qaadista canshuurtaasi, isagoo shacabka ugu baaqay inay hantidooda kala baxaan bangiyada muddo isbuuc ah oo maanta ka billaabaneyso, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa inay muddo hal isbuuc ah oo ka billaabaneyso maanta ay hantidooda kala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynaya boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada” ayuu mar kale yiri Cali Dheere.
“Waxaan dadweynaha u sheegeynaa in muddadaasi ay hantidooda ugala bixi waayaan ay ayagu qaadayaan mas’uuliyadda wixii ka yimaada arrintaa iyada ah” ayuu sii raaciyay
Digniintan ayaa ku soo aadeyso saacado un, ka dib markii shalay ay Al-Shabaab qaraxyo ku burburiyeen goobo ganacsi oo ku yaallay suuqyada Ceelasha Biyah ee dulleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu sheegay sababta ay u beegsadeen xiridda kaameerada duubto muuqaalada qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da.