Ugu yaraan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Burkina Faso

0
241

Koox hubeysan oo gacansaar la leh Al-Qaacidda oo isku magacawda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay dalka Burkina Faso.
Weerarkaasi oo laga gaystay gobolka ku yaalla Bartamaha Burkina Faso ee Barsalogho ayaa shalay lagu dilay 200 oo qof waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 140 kale.
Gobolkan uu falkaasi ka dhacay ayaa masaafo dhan 40 kiilomitir dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Istaraatiijiga ee Kaya oo hooy u ah ciidamada ilaaliya caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.