EACC oo u yeertay xildhibaanka Kimilili

0
207

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa u yeeray xildhibaanka deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Baraza.
Waxaa su’aallo laga waydiin doonaa eedeymo loo jeediyay oo ah inuu qaatay ugu yaraan 2 milyan oo shilin oo lacag laaluush ah.
EACC ayaa laga soo xigtay in xildhibaanka uu lacagta waydiistay kana qaatay haweeney ganacsato oo qandaraasley ah isagoo u ballan qaaday inuu dowladda uga soo qaadaya qandaraas.
Hasa ahaate, waxaa lagu eedeynaya in ka dib markii lacagta la siiyay inuu wada xiriirkii u jaray haweeneyda oo uu wareejinayay tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore.
Guddiga EACC ayaa Didmus Barasa horay ugu yeeray inuu ka soo hormuuqdo 14-kii bishan balse waa uu ka gaabiyay.
Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak ayaa ka digay in haddii uu ugu dambeyn Talaadada isa soo xaadirin waayo siyaasigan in ay adeegsanayaan tallaabo ku qasbaysa inuu guddiga ka soo hormuuqdo oo ay ka mid tahay adeegsiga nidaamka cadaaladda iyo laamaha ammaanka.
Hasa ahaate, xildhibaanka Kimilili ayaa iska fogeeyay eedeynta EACC ee ah inuu laaluush qaatay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrintan uu ka dambeeya musharrax u tartamayay xilka barasaabnimo oo uu siiyay amaah lacageed oo dhan 4 milyan oo shilin balse markii ay isku maandhaafeen deyntaasi oo aan loo gudin, in dacwad loo gudbiyay EACC iyadoo la sheegaya inuu haweeney ganacsato ah laaluush ka qaatay.