Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in dowladdu ay dhaqangelisay tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hor tagaya faafidda furuq daanyeerka Mpox.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mary Muthoni ayaa arrinkan shaaca ka qaadday xilli ay tagtay xuduudda magaalada Malaba ee ismaamulka Busia.
Waxay dadweynaha u xaqiijisay inuunan jirin walaac laga muujiyo cudur sidaha Mpox ee gudaha dalka laga xaqiijiyay labo kiis oo ka mid ah oo laga helay wadeyaasha baabuurta xamuulka.
Waxay intaasi ku dartay in xarumaha ku yaalla meelaha xuduudda ah ee Kenya laga soo galo si wayn loo qalabeeyay.
Mary Muthoni ayaa laga soo xigtay in la xoojiyay dadaallada kormeerka iyo diyaar garowga la xiriira ka falcelinta caabuqan.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha ku boorrisay in ay feejignaadaan.
Waxay shaacisay in caabuqa Mpox lagu kala qaado is taabasho , dhunkasho, galmo , in adigoo aad ugu dhow aad la hadasho ama uu kugu neefsado qof qabo fayraskan.
Sidoo kale waxaa uu faafaa marka la ugaarsado xayawaannada uu cudur sidaha Mpox saameeyay, marka la maqaar siibo mise hilibkooda la karinaya.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in cudurkan uu ku faafo waxyaabaha wasaqooba sida go’yada, dharka, irbadaha iyo shukumaanka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa laga soo xigtay in cudurka sidaha Mpox ee loo yaqaano furuq daanyeerka uu sidoo kale canugga uurka ku jiro u gudbi karo xilliga ay hooyada uurka tahay haddii uu haleelo.