Iyadoo uu qorshuhu yahay in berri dib loo furo dugsiyada waddanka ayay macallimiinta weli ku adkeysanayaan in aynan iska xaadirin doonin xarumaha waxbarashada.
Mas’uuliyiinta uruka qaran ee macallimiinta ee KNUT iyo ururka kale ee KUPPET ee ismaamullada Kilifi iyo Meru ayaa sheegay in shaqo joojinta ay billaaban doonto saqda dhexe ee caawa.
In kastoo ay dowladdu soo saartay lacago , haddana ilaa iyo hadda heshiis dhameystiran lagama gaarin tabashooyinka macallimiinta.
Waxyaabaha ay KNUT iyo KUPPET oo shaqo joojinta shaaciyay ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in la dhaqangeliyo heshiis ay sanado ka hor la saxiideen guddiga adeegga macallimiinta ee TSC kaasi oo ku saabsanaa mushaar kordhin.
Sidoo kale waxay doonayaan in si joogto ah loo howlgeliyo barayaasha wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS.