Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa 11 ka mid ah ismaamullada waddanka ku wargeliyay in xubnaha dalladdan caafimaad ay shaqo joojin guda geli doonaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dowlad deegaannadan ay ka dib dhaceen bixinta mushaaraadka bishii hore iyo bishan Siddeedaad iyadoo aan wax faahfaahin ah laga siin saraakiisha caafimaadka.
Ismaamullada digniinta shaqo joojinta lala wadaagay waxaa ka mid ah Lamu, Kakamega, Taita Taveta, Garissa, Meru, Isiolo, Marsabit, Kirinyaga, Samburu, Nakuru iyo Mandera.
Ururka KMPDU ayaa sidoo kale sheegay in 14 cishe ka dib dhakhaatiirta ka howlgalo ismaamullada Nandi iyo Mombasa ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Tani ayaa loo aaneeyay in ismaamulladan aynan bixin mushaaraadkii saraakiisha caafimaadka ee bilihii Saddexaad iyo Afaraad ee sanadkan oo laga xannibay xilligaasi oo ay shaqo joojin ku guda jireen.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa walaac ka muujiyay in aan la dhaqangelin heshiiskii ay la saxiixdeen dowladda sare iyo ismaamullada ee horseeday soo afjaridii shaqo joojintii ay horay u sameeyeen.