Suuqyada waaweyn ee Ceelasha Biyaha oo qaraxyo lagu gubay

0
249

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xooggan oo xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waaweyn ee deegaankaasi.
Qaraxyo is xig-xigay ayaa mar qura ka dhacay Ceelasha, waxaana xigtay gubashada goobaha ganacsiga oo intooda badan gubtay.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, ka dib markii la sheegay in lagu amray inay xiraan kaamerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV.
Xaalad kacsan ayaa weli ka jirta Ceelasha Biyaha, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.
Weerarka ka dhacay Ceelasha waxaa ka horreeyay qaraxyo kale oo toddobaadkii hore ka dhacay halkaasi, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanada u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.