Ururka Xisbullaah ee dalka Lebanon ayaa sheegay inuu fuliyay weerarro ka dhan ah Israa’iil oo loo adeegsaday in ka badan 320 madaafiic ah.
Waxay intaasi ku dareen in ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen saldhigyada militari ee Israa’iil.
Bayaanka kooxdan waxaa ku cad in ay duqeysay 111 ah saldhigyada ciidamada difaaca ee Israa’iil oo uu ka mid yahay Meron.
Meelaha weerarradan lala eegtay waxaa ka mid ah 4 xero oo ku taalla buuralayda la haysta ee Golan Heights.
Xisbullaah ayaa hoosta ka xarriiqday in ay soo gabagabeysay wajiga koowaad ee weerarrada aargoosiga ee ka dhanka ah Israa’iil .
Waxay intaasi ku dartay in duqeymaha ay ahaayeen kuwo si wayn loogu guulaystay.