Dadweynaha ku nool ismaamulka Samburu ayaa baaq u diray maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA.
Waxay doonayaan in halkaasi laga dhiso buundo ay tayadeedu wanaagsan tahay.
Tani ayaa timid ka dib markii meydkiisa la helay qof ay biyaha qaadeen xilli uu ka gudbayay buundada Seiya oo ku taalla waddada xiriirisa degmooyinka Maralal iyo Wamba.
Qaar ka mid ah shacabka Samburu ayaa hoosta ka xarriiqay in muddo sanad gudaheeda ah ay halkaasi ku geeriyoodeen ilaa 10 qof.
Waxaa sidoo kale arrinkan baaq ka soo saartay xildhibaannada deegaanka Galbeedka Samburu Naisula Lesuda.