DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kiambu

0
354

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof ka dib shil laga soo tabiyay aagga Gitaru oo ka tirsan Kabete .
Waddadan ayaa xiriirisa Gitaru iyo deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu.
Waxay dhaawacyo culus soo gaareen 10 qof iyadoo tirada dadka ay dhaawacyadoodu fudud yihiin ay tahay 40 ruux.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in shilka uu dhacay ka dib markii bas dugsiyeed oo la soo kireystay uu darawalka isku dayay inuunan ku dhicin mid ka mid ah gawaarida xamuulka oo yaallay goob ay shilal hore ka dhaceen taasi oo keentay inuu baska waddada ka baxo kuna dhacay god wayn.
Taliyaha booliiska ee dowlad deegaanka Kiambu Michael Muchiri oo warbaahinta u xaqiijiyay shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dhacdadaasi la xiriira.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha shilkaasi ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.

Shilkan ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA uu ku baaqay in aad looga taxaddaro shilalka ka hor inta aan dugsiyada dib loo furin.