DHAGEYSO:Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay ciidamadii laga saaray magaalada

0
533

Shacabka deganaa xaafadihii laga qaaday ciidamada Gadoodsan ayaa saacado ka dib muujiyay dareenkooda farxadeed ee ku aadan in laga dulqaaday Ciidamadii qaybta ka ahaa shaqaaqooyinkii Maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shacabka u sheegay inay wixii hadda ka dambeeya si nabad ah ku joogaan Xaafadahooda Ciidamadiina laga dulqaaday amaanka Magaalada Muqdishana lagu Wareejiyay taliya Cabdi Xassan Xijaar Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shacabka ku Nool Xaafadihii ay Ciidamada Muacaaradka Taabacsana ay ku sugnaayeen ee Magaalada Muqdisho Ayaa Talaabada ay Xukuumadda Qaaday ee Ciidanka looga Dul qaaday soo dhaweeyay .

Askar ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee la baxay Badbaado Qaran kuwaasoo ka gadoodsanaa muddo kororsigii ay baarlamaanku Sameeyeen ayaa maanta ka baxay degmooyinka ku yaalla Waqooyiga Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Ciidankaan ayaana kusii jeedda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay markii hore ka yimaadeen.
Waxa ay sheegeen Saraakiisha ciidankaan hoggaaminaysa in saldhigyadii ay ka yimaadeen dib ugu laaban doonaan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Ciidankaan ayaa ku baxay heshiiskii ay gaareen Ra’isul wasaare Rooble iyo Mucaaradka ka dib markii laga laabtay muddo korosigii labada sano ahaa ee loo sameeyay Hay’addaha dowladda.