Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu kenyaanka u xaqiijinaya in si daahfuran loo howlgelin doono saraakiisha sare ee guddiyada dastuuriga ah marka ay xilalkan bannaanaadaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay qasab tahay in la ilaaliyo xeerarka waddanka u degsan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku guddoomay warbixinnada saraakiisha guddiyada ee uu dhammaaday muddo xileedkooda shaqo.
Guddiyada iyo xafiisyada madaxa bannaan ee ay guddoomiyaashooda iyo saraakiisha sare ee ka howlgalayey uu ka dhamaaday waqtigii loogu talagalay in ay shaqeeyaan waxaa ka mid ah guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC,guddiga maamulka cadaaladeed ee sido kale loo yaqaano (Ombudsman), guddiga jinsiyadda iyo sinnaanta iyo maamulka kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo shaqaaleysiiyo dadka beddelaya howlwadeennada xafiisyada banneynaya si uunan hakad ugu imaan bixinta adeegyada bulshada.
Waxaa uu u mahadceliyay mas’uuliyiinta maanta warbixinnada la wadaagay.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale xusay in dowladdu ay ku howlan tahay nidaam xaqiijinaya in aan su’aallo dhanka hanti dhowrka ah la gelin maareynta miisaaniyadda wakaaladaha iyo waaxyaha dowladda.
Waxaa uu tilmaamay in ololahan uu yahay mid xoojinaya isla xisaabtanka , daahfurnaanta , hufnaanta iyo maamul wanaagga waaxyaha adeegga dadweynaha iyadoo la hubinaya in kheyraadka qaran aan lagu tagriifalin.
Guddoomiyaha guddiga mushaaraadka iyo gunnoyinka ee dalka ee SRC Lyn Mengich ayaa dhankeeda sheegtay in intii ay xilka haysay qarashaadka dowladda uga baxo mushaaraadka uu yaraaday.
Waxay sheegtay in sanadkii 2018-kii uu ahaa boqolkiiba 51.5 halka sanadkan uu yahay boqolkiiba 46.
Waxay intaasi ku dartay in guddiga SRC uu xannibay in mushaaraad loo kordhiyo howlwadeennada shirkadaha dowladda iyadoo la isku duba riday gunnooyinkooda.
Tani ayay sheegtay in ay qaranka u kaydisay lacag dhan 11.2 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA Anne Makori ayaa dhankeeda sheegtay in ay sameynayaan wax kasta oo karaankooda ah si loo hubiyo la xisaabtanka booliiska.
Waxay Anne Makori xustay in la soo gudbiyay 20,000 oo ah cabashooyin ka dhan ah booliiska kuwaasi oo 12,732 ka mid ah la xalliyay.
Home Wararka Kenya Dowladda oo sheegtay in si daahfuran loo shaqaaleysiin doono saraakiisha sare ee...




