Guddoomiyaha xisbiga ODM ahna barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa bayaan ay soo saartay waxay dhaliil ugu jeedisay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha xisbiyada kale ee ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Madaxa xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa, Kalonzo Musyoka oo hoggaamiyo xisbiga Wiper iyo xoghayaha guud ee Jubilee Jeremiah Kioni ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhaliilayay go’aankii ay afar ka mid ah siyaasiyiinta ODM ugu biireen golaha wasiirrada ee maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxay Raila Odinga ku eedeyeen inuu go’aansaday la shaqeynta dowladda isagoo dhanka kale garab mucaarad ah hoggaaminaya.
Gladys Wanga ayaa hoosta ka xarriiqday in siyaasiyiintan ay u muuqdaan kuwo amraya madaxa ODM Raila Odinga.
ODM ayaa sheegtay in maamulka Kenya Kwanza uunan kala dhexeyn heshiis rasmi ah oo ku aaddan iskaashi dowladeed.
Xisbigan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la xisaabtanka dowladda , xaqiijinta daahfurnaanta iyo u ololeynta in kenyaanka loo fidiyo adeegyo wax tar leh.
Guddoomiyaha ODM ayaa xustay in aynan marnaba saaxiibbada kale ee Azimio ka oggolaan doonin in ay Raila ku marmarsoodaan maadaama ay jiraan arrimo ka dhex taagan isbeheysiga.
Jawaabta xisbigan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Azimio ay dalbanayaan in ODM aynan ka sii mid ahaan isbeheysigan.