Madaxweynaha dalka oo amaanay nidaamka maalgelinta tacliinta sare

0
125

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amaanay hannaanka cusub ee ay dowladdu ku maalgelinaysa tacliinta sare ee waddanka.
Waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in uunan jiri doonin arday aan ka faa’iidin deeqaha waxbarashada iyo amaahda la bixinaya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in nidaamkan uu hubinaya in ardayda ka soo jeedo qoysaska saboolka ah ay helaan deeq waxbarasho oo ah boqolkiiba 95.
Arrintan ayuu ka sheegay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcadii 42-aad ee ardayda jaamacadda Bariga Afrika ee Baraton oo lagu qabtay ismaamulka Nandi.
Madaxweyne William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay deeqaha waxbarasho oo horay ahaa boqolkiiba 80 ay gaarsiisay boqolkiiba 95.
Waxaa uu tilmaamay in nidaamka cusub ee maalgelinta uu barnaamijyadii hore uga duwan yahay inuu diiradda saaraya ardayga iyo awoodda uu waalidkiisa u leeyahay inuu ka bixiyo qarashaadka waxbarashada ee jaamacadda.
Madaxweynaha ayaa xusay in hannaankan ay ka faa’iidi doonaan ardayda dhigta jaamacadaha dowladda iyo machadyada lagu barto culuunta farsamada ee (TVETS).
Waxaa uu intaasi ku daray in tirada ardayda ee dhigta machadyada farsamada ay gaarayaan 700,000.
Dhanka kale , jaamacadda Baraton University ayaa madaxweyne William Ruto guddoonsiisay shahaado sharafeed ka turjumaysa hoggaanka iyo u adeegidda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here