DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan mahadcelin ah u sameeyay howl-wadeenada caafimaadka

0
467

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan mahadcelin ah u sameeyay howl-wadeenada caafimaadka
Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana muddo xileedkiisu ku ekaa 8-dii bishii Labaad ee sanadkan Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka COVID-19 ee ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka Caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed Xiligaan uu dalka Saamaynta weyn ku yeeshay Cudurka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaqaatiirka,Kalkaaliyeyaasha iyo adeegeyaasha kale ee Caafimaad Munaasabadaan ku Maamuusay.
Waxaa uuna bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan ee Naf Hurka ah.
Waxaa Munaasabadaan goob Joog ka ahaa Wasiirka iyo Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka ayaa waxay Madaxweynaha kula Wadaageen warbixin ku saabsan Xaaladda Caafimaadka ee dalka Soomaaliya waxayna uga Mahadceliyeen madaxweynaha iyo guud ahaan dowladaba sida ay kaga go’an tahay in wada jir Cudurkaan loo la tacaalo dhinacyada Caafimaadkana dalka si xooggan looga dhiso.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo qaar ka mida Agaasimeyaasha Isbitaallada dowladda u qorshay la dagaalanka Cudurka Covid 19 ayaa Madaxweynaha Warbixin ka Siiyay Xaaladda Caafimaadka ee wadanka waxayna uga Mahadceliyeen Casuumaada uu u sameeyay Howl wadeenada Caafimaada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa Bogaadiyay qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliyeed Wuxuuna Ku tilmaamay Halyeeyo geesiyaal ah oo dalkooda Nafta u huray.

MD Farmajao ayaa dhanka kale sheegay inuu Cudurku yahay mid Halis badan leh wuxuuna shacabka Soomaaliyeed guud ahaanba ugu baaqay inay qaataan tallaalka