Macallimiinta dalka oo qorsheynaya shaqo joojin marka dugsiyada la furo

0
560

Ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT ayaa ku hanjabay in marka dib loo furo dugsiyada dalka ay xubnaha dalladdan ka tirsan shaqo joojin guda geli doonaan.
Waxay shardi ka dhigeen in dowladdu ay dhaqangeliso heshiis dhanka gorgortanka ah oo ay la gaartay.
Waxaa digniintan soo saaray xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Collins Oyuu.
Waxaa uu Oyuu sheegay in ay u baahan yihiin in la dhaqangeliyo heshiis gorgortan ku saleysnaa oo lagu waday in lagu tallaaba qaado 2021-kii ilaa 2025-kii.
Is-afgaradkan ayaa laga diiwaangeliyay maxkamadda qaabilsan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ee dalka.
Heshiiskan waxaa uu dhigaya in macallimiinta dalka loo sameeyo mushaar kordhin ah boqolkiiba 2.5 ilaa boqolkiiba 9.
Collins Oyuu ayaa barayaasha ku wargeliyay in ay shaqo joojin qaran isku diyaariyaan haddii dowladdu aynan tallaabo qaadin ka hor inta aan dugsiyada la furin 26-ka bishan Siddeedaad.
Sidoo kale madaxa KNUT ayaa ka soo horjeestay qorshaha ay dowladdu lacag dhan 10 bilyan oo shilin ay uga dhintay miisaaniyadda guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.