Wasaaradda arrimaha gudaha oo doonaysa in 7,000 oo gunno ah la siiyo waxgaradka tuulooyinka

0
516

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa soo jeedisay in odayaasha hoggaamiya tuulooyinka la siiyo lacag gunno ah oo dhan 7,000 oo shilin.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii qorshahan la hirgeliyo ay micnaheedu noqonaysa in dowladdu ay si rasmi ah waxgaradka tuulooyinka ugu aqoonsatay saraakiil gudanaya waajibaad khaas ah.
Kindiki ayaa xusay in loo baahan yahay in odayaashan loo qiro kaalinta ay ka qaataan maamulka bulshada.
Waxaa uu xeer dejiyaasha ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameeyaan xeerka isku duwidda howlaha dowladda sare ee National Government Coordination Act No. 1 of 2013 si tuulooyinka loogu aqoonsado qayb aasaasi oo dhanka maamulka ah.