Madaxweynaha dalka oo u ambabaxay Rwanda

0
305

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta u safray waddanka Rwanda.
Waxaa uu halkaasi uga qayb geli doonaa caleema saarka dhigiisa Rwanda Paul Kagame oo markii afaraad qabanaya hoggaanka waddankaasi.
Madaxda kale ee ku sugan caasimadda Rwanda ee Kigali ayaa kala ah Salva Kiir (Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed), Umaro Sissoco (Guinea Bissau), Emmerson Mnangagwa (Zimbabwe), Ousmane Sonko ( Ra’iisul Wasaaraha Senegal ), Oligui Nguema (Gabon), Nana Akufo-Addo (Ghana), Faustin-Archange Touadéra (Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ee CAR) iyo madaxweynaha Togo Faure Gnassingbé.
Waxaa la filayaa in 23 ka mid ah madaxweynayaasha dalalka qaaradda Afrika ay ka qayb galaan caleema saarka iyo dhaarinta hoggaamiyaha dalka Rwanda oo ku guulaystay doorashadii dhacday 15-kii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Guddiga doorashooyinka ee dalka Rwanda ayaa shaaciyay in Kagame uu soo hooyay boqolkiiba 99.15 ee codadkii la dhiibtay.
Paul Kagame oo 66 sano jir ah ayaa isagoo adeegsanayay tikedhka xisbiga talada waddankaasi haya ee Rwandan Patriotic Front (RPF) loollanka uga adkaaday Frank Habineza oo ahaa musharraxii madaxweyne ee xisbiga Democratic Green Party of Rwanda iyo Philippe Mpayimana oo si madax bannaan u tartamayay.