8 qof oo ku dhintay dhul go’ saameeyay Uganda

0
170

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 8 qof ka dib markii dhul go’ laga soo tabiyay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Dadka dhintay ayaa isugu jiro 6 qof oo waawayn iyo labo carruur ah.
Sida laga soo xigtay maamullada maxalliga ee Kampala arrintan ayaa ka dhalatay roobab culus oo da’ay.
Maamulka magaalada Kampala iyo hay’adda laanqayrta cas ayaa sheegay in la soo samata bixiyay 14 ruux.