Raila Odinga oo ku baaqay in la siidaayo dadkii loo xiray dibadbaxyada

0
200

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa dowladda ugu baaqay in ay siidayso dadkii la xiray 8-dii bishan Siddeedaad xilli ay qaybo ka mid ah waddanka ka dhaceen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadkaasi si aan cadaalad ahayn loo xiray maadaama ay adeegsanayeen xaqooda dastuuriga ah.
Mr. Odinga ayaa ciidamada ammaanka ku dhaliilay tallaabooyin ay qaadeen oo ay ka mid ahayd in ay awood xad dhaaf ah isticmaaleen sida uu u dhigay qoraalkiisa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in waxyeello la gaarsiiyay wariyaal tani oo liddi ku ah xuquuqda dastuurka ku qeexan.