Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya

0
516

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in, iyada oo la ilaalinayo danaha deris wanaaga ay ku dhawaaqeyso inay dib u soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dowladda Kenya oo horay Soomaaliya xiriirka u jartay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo e labada dal, iyada oo lagu saleeynayo mabaadiida, ixtiraamka madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
“ Dowladda Soomaliya waxaa ay tallaabadaan u qaaday, iyada oo la eegayo farageli la’aanta Arrimaha Gudaha ee labada dhinac , sinaanta, wax wada qabsiga, & nabad ku wada noolanshaha ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.
Sidoo kale wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in labada Madaxweyne ee Soomaaliya & Kenya ay uga mahad celinayaan Amiirka dalka Qatar dadaalka uu ka geystay arrintaan.
15-kii Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqday in xiriirka diblumaasiyaded u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay xad-gudubyo siyaasadeed iyo fara-gelinta isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay ku haysay madax-banaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here