Xisbiga ODM ayaa go’aamiyay in barasaabyada ismaamullada Kisii, Mombasa iyo senetarka dowlad deegaanka Vihiga ee kala ah Simba Arati, Cabdulswamad Shariif Naasir iyo Godfrey Osotsi loo doortay jagada hoggaamiye ku xigeennada xisbigan.
Waxaa ay beddeleen Cali Xasan Joho iyo Wycliffe Oparanya oo ku biiray dowladda islamarkaana xilal wasiir loo magacaabay.
Xisbiga ODM ayaa sidoo kale sheegay in senetarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna uu sii ahaan doona xoghayaha guud iyo afhayeenka xisbigan.
Barasaabka dwoladda deegaanka Homa Bay Gladys Wanga ayaa loo xushay guddoomiyaha xisbiga ODM, iyadoo beddeshay John Mbadi oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka.
Isbeddelladan ayaa la sameeyay gelinkii dambe ee shalay intii laguda jiray shirkii guddiga dhexe ee maamulka ee xisbiga ODM ee oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha xisbigan Raila Odinga.
Waxaa sidoo kale isbeddeladan uu xisbiga guddoomiye ku xigeennada u doortay xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Rarieda Otiende Amolo iyo dhigiisa Koonfurta Turkana John Ariko.
Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa tilmaamay in golaha dhexe ee xisbigan ay soo jeediyeen in hoggaamiye ku xigeennada xisbiga ay noqdaan saddex qof.
Home Wararka Kenya ODM oo hoggaamiye ku xigeennada xisgbigan u dooratay barasaabyada Mombasa, Kisii iyo...