DHAGEYSO:Wasiir Khadiija “Dadka jara dhirta iyo kuwa bacda dalkeena keenaya waxay la mid yihiin Al-Shabaab”

0
418

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukuumadda fedaraalka ee Soomaaliya Khadiija Maxamad Al-Makhsuumi oo bixisay wareysi dhinacyo badan taabanayay ayaa sheegtay in wasaaradeeda dagaal adag ay la geli doonto dadka bacaha dalka soo galiyo iyo kuwa Jarista ku haayo dhirta oo dhibaato xooggan ku ah dadka Soomaaliyeed iyo duurjoogtaba.
Waxaa ay sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada xaalufinta lagu haayo deegaanka, iyadoo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in wasaaraddu kala shaqeeyaan halista ka dhalan karta xaalufka.
Wasiir Khadiija ayaa xustay in dadka jara dhirta iyo kuwa bacaha soo galiya dalka gudahiisa inay la mid yihiin kooxda Al-Shabaab.

Hadalka ka soo yeeray wasiiradda deegaanka Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo khubarrada dhanka isbeddelka cimilada ka digayaan dhibaatooyinka ka dhalan kara jarista dhirta oo ku badan gudaha dalka Soomaaliya.