DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgalka cusub ee beddelli doona ATMIS iyo dowladaha daneynaya

0
297

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa mar kale shaaca ka qaaday in wakhtiga howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhammaadka sanadkan, islamarkaana howlgal cusub oo wakhti cayiman ah lagu beddeli doono.
Xuseen Macallin Maxamuud ayaa tilmaamay in howlgalka cusub ee wakhtiga cayiman ah ay go’aamineyso dowladda fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana muhiimaddiisu tahay sidii ay dowladda uga takhalusi laheyd kooxda Al-Shabaab.
La taliyaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in 12-ka bishan qorshaha howlgalka cusub loo gudbin doono golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howgalka cusub.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalkan cusub dowladaha ka qayb qaadanaya ay u madax bannaan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana dowladda marka la ansixiyo ay heshiisyo gaar gaar ah la gali doonto dowladaha qayb ka noqonaya howgalka loogu magac daray AUSSOM.

Ugu dambeyntii, dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegeen inay daneynayaan howlgalkan inay qayb weyn ka qaataan.
Waxaa sidoo kale jira dowlado kale oo daneynaya inay ka qayb noqdaan howlgalka cusub.