Dowladda oo doonaysa in dad aan hooy haysan la dejiyo dhul u dhow jaamacadda Moi ee Eldoret

0
244

Xoghayaha wasaaradda dhulalka ee dalka Nixon Korir ayaa doonaya in dowladdu ay la wareegto dhul ka soo horjeeda jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay qorsheynayaan in dhulkaasi la dejiyo dad uu ku tilmaamay barakacayaal aan hooy rasmi ah lahayn.
Korir ayaa arrintan soo jeediyay xilli uu ka soo hormuuqday guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha dhulalka .
Xubnaha guddigan ayaa baaraya cidda leh dhulkaasi lagu muransan yahay oo ka kooban ilaa 1,500 oo eekar.
Waxaa dhulka isku haysta jaamacadda Moi ee Eldoret iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.