WHO oo walaac ka muujisay duullaanka militari ee Israa’iil

0
311

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in duullaanka militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza uu carqaladeynaya ololaha lagula tacaalaya cudurka dabeysha ee Qaza laga soo tabiyay.
Waxay hay’addu sheegtay in dagaalka militari uu caqabad ku yahay ka hor tagga faafitaanka xanuunkan.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 39,699 qof ayaa lagu dilay Qaza halka la dhaawacay 91,722 kale.