19 ka mid ah wasiirrada dalka oo uu magacaabidooda shalay ansixiyay baarlamaanka waddanka ka dib turxaan bixin la sameeyay oo maalmo socotay ayaa maanta ku dhaartay waxyaabo dhowr ah.
Waxay dhaar ku mareen in ay u hoggaansamayaan , ilaalinayaan sidoo kalena qadarinayaan xeerarka dastuuriga ah iyo si guud nidaamyada jira.
Sidoo kale waxay ku dhaarteen in ay mar kasta daacad u ahaanayaan qaranka.
Mid kasta oo wasiirrada maanta la dhaariyay ka mid ah waxaa uu sheegay inuu dhammaan kenyaanka ugu wada adeegi doono si wanaagsan isagoo waajibaadkiisa xafiiseed u gudanaya si sharaf leh.
Dhaarta ay mareen waxaa qayb ka ahayd in ay si sax ah oo ay daacadnimo ku dheehan tahay ula talin doonaan madaxweynaha si uu ugu guulaysto maamulka.
Sidoo kale, wasiir waliba waxaa uu ku dhaartay in uunan si toos ah ama si dadban u bixin doonin macluumaadka uu helo ama lala wadaago ee sirta ah haddii aynan danta shaqo keenin.
Dhaarta wasiirrada ayaa lagu soo gabagabeeyay in wasiir kasta uu waajibaadkiisa uga soo baxaya si habdhaqan wanaagsan leh inta karaankiisa ah isagoo Alle waydiisanaya inuu garab ku siiyo howshan.