Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaal isugu soo baxay bartamaha caasimadda dalka.
Dhallinyarada mudaaharaadyada sameynaya ayaa dalbanaya inuu xafiiska banneeyo madaxweynaha dalka William Ruto.
Maamulka Kenya Kwanza ayay ku eedeynayaan in uunan weli oofin dalabaadkii da’yarta gaar ahaan la dagaallanka musuqmaasuqa.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Nakuru ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan waxyaabaha ay dowladda ka tabanayaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda dowlad deegaannada kale ee dalka ay inta badan deggan tahay iyadoo aan la soo tabin wax rabshado ah.
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Gilbert Masengeli ayaa dhankiisa sheegay in ay sugayaan ammaanka dibadbaxayaasha iyagoo sharciga ilaalinaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in laamaha ammaanka ay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysa in ay jiraan shakhsiyaad doonaya in ay rabshado kiciyaan sidaasi awgeedna laga qaadaya tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.
Waxaa uu Mr. Masengeli dhanka kale dadweynaha ku boorriyay in ay feejignaadaan.
Sidoo kale waxaa uu ka digay in la tago meelaha sida gaarka ah u ilaashan sida baarlamaanka , madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee JKIA.