Ammaanka dalka oo si wayn loo adkeeyay

0
262

Waxaa si wayn loo adkeeyay amniga qaybaha kala duwan ee waddanka iyadoo ciidamo dheeraad ah laga howlgeliyay ismaamullada sida Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo magaalooyinka kale ee waawayn.
Booliiska ayaa barkontorollo ka sameeyay waddooyinka ugu muhiimsan ee caasimadda dalka ee Nairobi iyo agagaarkeeda.
Waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee bartamaha Nairobi iyadoo dhaqdhaqaaqa shacabkana uu aad u hooseyo.
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Gilbert Masengeli ayaa sheegay in ciidamo ku filan loo diyaariyay ka falcelinta khatarrada dhanka amniga.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in ay nabad galyada ilaaliyaan isagoo wacad ku maray in ay la tacaali doonaan sida uu hadalka u dhigay dambiilayaasha.