Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay labo ruux oo lala xiriirinaya ka ganacsiga maandooriyaha.
Waxaa tuhmanayaasha soo qabtay saraakiisha waaxda la dagaallanka daroogada ee (ANU) ee la shaqeeya ololaha qaran ee ka dhanka ah adeegsiga balwadda ee NACADA.
Iyagoo isticmaalaya xog sirdoon oo lala wadaagay ayay saraakiisha soo xireen Rufftone Kinuthia Ngeruro iyo Joseph Kangethe Kamau.
Howlgalkan oo laga fuliyay goob ay labada ruux ku dhuumanayeen oo ku taalla dhanka dambe ee suuqa wadadda Kangundo Road ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu soo helay 360 xirmo oo ah nooca daroogada ee xashiishka.
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin