DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Bogaadiyay Heshiiska laga gaaray Shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho

0
667

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Mucaaradka ayaa Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka soo saareen Qodobo lagu Xalinayo shaqaaqooyinkii Bishii Hore ka dhacay magaalada muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo Daxiiska dowlada Soomaaliya C/rax,aam Yusuf Alacadaala ayaa warbahainta u aqriyay Qodobada Kulankaas laga Soo saaray oo 10 qodob ka koobnaa.

Sidoo kale waxaa heshiiska iyo qodobada laga soo saarayba Bogaadiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.