TSC oo gunnooyin siinaysa macallimiinta dugsiyada ardayda naafada ah

0
170

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in ay soo kordhiyeen lacago gunnooyin ah oo la siinaya barayaasha wax ka dhiga dugsiyada ardayda qabo baahiyaha gaarka ah.
Arrintan ayay Nancy u sheegtay guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan wadajirka iyo fursadaha siman.
Waxay intaasi ku dartay in dugsiyada ay dhigtaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ee guud ahaan waddanka ay u baahan yihiin 5,362 oo macallimiin ah.
Madaxa TSC ayaa sheegtay in bishii Shanaad ee sanadkan ay shaqaaleysiiyeen 1,763 oo barayaal ah si loo buuxiyo gaabadka dhanka tirada macallimiinta ah ee jira.