Kenya oo billowday daadgureynta rayidkeeda ku sugan Lebanon

0
381

Dowladda Kenya ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee muwaadiniintooda ku sugan waddanka Lebanon ku boorrinaya in ay si degdeg ah halkaasi uga soo baxaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto xiisadda Bariga Dhexe ka dib markii ay Iiraan wacad ku martay in ay sameyn doonto aargoosi la xiriira dilkii madaxii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh.
Waaxda arrimaha qurba joogta ee Kenya ayaa rayidka ku nool Lebanon kula talisay in ay dalkaasi ka baxaan ama ay u wareegaan meelo ay ku badbaadi karaan.
Bayaanka waaxdan waxaa ku cad in muwaadiniinta lagu boorrinaya in ay isku diiwaangeliyaan daadgureyn maadaama walaac xooggan laga muujinaya xaaladaha isa soo taraya.
Kenyaanka ay ehelladooda ku sugan yihiin Lebanon ayaa laga codsaday in ay la xiriiraan nambarka taleefoonka ee ah +254114757002 ama ay tagaan xafiiska qaybta hoose ee dhismaha Old Mutual Building ee waddada Upper Hill Road ee ismaamulka Nairobi.