Xasan Cumar oo noqday xoghayaha guud ee UDA

0
399

Xafiiska qaabilsan diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa xaqiijiyay tallaabadii Xasan Cumar loogu magacaabay Xoghayaha Guud ee xisbiga talada waddanka haya ee UDA.
Madaxa xafiiskan Ann Nderitu ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in Xasan Cumar uu si rasmi ah u buuxiyay jagadii laga qaaday Cleophas Malala oo xilkan si ku meel gaar ah u sii hayay tan iyo bishii Labaad ee sanadkii 2023-kii.
Nderitu ayaa warqad ay u soo qortay xisbiga UDA waxay ku sheegtay in ay ansixisay isbeddelkii dhawaan dhacay.
Sidoo kale waxay amartay in 6 bilood gudahooda la qabto doorashooyinka UDA si loo soo doorto mas’uuliyiinta kala duwan maadaama ay hadda jiraan kuwo xilal u haya si ku meel gaar ah.