Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday afar ka mid ah xubnaha guddiga warshadda caanaha ee waddanka ee KCC.
Waxaa uu magacaabay afar qof oo kale oo kala ah Noah Ndemo Nyachae, Dr. Rawlynce Bett, Naisula Keko iyo Sarah Keino sida ku xusan qoraal lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Magacaabidda shakhsiyaadkan oo ku biiraya guddiga agaasimayaasha ee warshadda KCC ayaa dhaqan galaysa maanta .
Waxay jagooyinkan hayn doonaan ilaa 9-ka bisha Saddexaad ee sanadka 2026.
Afarta xubnood ee shaqada laga joojiyay ayaa kala ah Geoffrey Noah Angwenyi, David Kipkurui Samoei , Rukia Rashid iyo Elisha Biwot.
Waxaa dadkan la magacaabay 10-kii bishii saddexaad ee sanadkii hore wuxuuna qorshuhu ahaa in ay sii shaqeeyaan ilaa bisha Maarso ee 2026-ka hasa ahaate madaxweynaha ayaa meesha ka saaray magacaabidoodi.