Dadweynaha ku nool degmada Tamiyoi ee Galbeedka ismaamulka Samburu ayaa billaabay in ay dayactiraan waddo aynan tayadeedu wanaagsanayn oo ay sheegeen in ay ku dhib qabeen tan iyo sanadkii 2014-kii.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay go’aankan qaateen ka dib markii ay wax caawimaad ah ka waayeen maamullada kala duwan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in waddadaasi ay saameyn wayn ka soo gaartay roobab da’ay.
Qaar ka mid ah shacabka is xilqaankan billaabay ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.
Waaxda gaadiidka ee ismaamulka Samburu ayaa dhankeeda sheegtay in ay waddadan hagaajin doonto marka ay roobabka yaraadaan.