DHAGEYSO:ANC oo si rasmi ah ugu biirtay UDA

0
270

Waxaa si rasmi ah u midoobay xisbiga ANC iyo xisbiga talada waddanka haya ee UDA.
Tani ayaa timid ka dib kulan 3-dii bishan Siddedaad ka qabsoomay ismaamulka Lamu oo uu marti geliyay barasaabka dowlad deegaankaasi ahna madaxa ANC Issa Timamy.
Bayaanka ay soo saareen waxaa ku cad in ugu yaraan 140 xubnood oo isugu jiro xildhibaanno iyo wakiillada deegaannada hoose ee xisbiga ANC ay ansixiyeen in ay ku biiraan UDA.
Madaxa ANC Issa Timamy ayaa loo xilsaaray inuu isku duba rido dhameystirka geeddisocodkan.
ANC ayaa sidoo kale caddeysay in ay si buuxda u taageerayso madaxweynaha dalka William Ruto iyo isbeheysiga uu hoggaamiyo ee Kenya Kwanza.
Hoggaanka ANC ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado siyaasadda qabyaaladda ku saleysan oo xoogga la saaro u ololeynta midnimada qaran.
Barasaabka Lamu ahna madaxa xisbiga ANC Issa Timamy ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan in ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto go’aanka ay kula midoobeen UDA.

Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi oo sheegay in ay isku diyaarinayaan sanadka 2027-da.