Dibadbax ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya, waxaana ka qayb galaya boqolaal dadweyne ah iyo shaqaalaha dowladda.
Banaanbaxan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa looga dhiidhinayaa weerarkii dadka badan lagu laayay ee Jimcihii kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xeebta Liido.
Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.