Ugu yaraan 91 qof oo ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay dalka Bangladesh

0
246

Waxaa dibadbaxyo sameeyay kumanaan qof oo ka mid ah shacabka dalka Bangladesh.
Waxay dalbanayaan in ay is casisho ra’iisul wasaaraha dalkaasi Sheikh Hasina.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu isku dhac dhex maray dibadbaxayaasha iyo taageerayaasha dowladda Bangladesh halkaasi oo dhowr qof ay ku dhinteen.
Ugu yaraan 91 qof oo ay 13 yihiin booliis ayaa shalay la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iskudhacyada.
Isku soo baxyada soo billowday bishii hore ayay dadweynaha uga soo horjeedaan hannaan dhanka shaqaaleysiinta ah.
Tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkan , waxaa dibadbaxyada Bangladesh ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 47 koox oo ah shirkadaha wax soo saarka ay sheegeen in ay garab taagan yihiin dibadbaxayaasha.