Wycliffe Ambetsa Oparanya oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka , ganacsiyada dhexe iyo kuwa yaryar ayaa hor tagay guddiga baarlamaanka waddanka u qaabilsan turxaan bixinta.
Waxaa uu iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC oo ahayd inuu lunsaday 1.3 bilyan oo shilin 10-kii sano ee uu ahaa barasaabka ismaamulka Kakamega.
EACC ayaa horay guddiga turxaan bixinta sameynaya kula talisay in aan la ansixin magacaabidda Oparanya maadaama ay jiraan su’aallo la xiriira musuqa oo la doonaya inuu ka jawaabo .
Hasa ahaate , waxaa uu sheegay in arrimahan ay yihiin keliya bartilmaameedsi oo uunan weligii qorin farriin ku saabsan dhaca hantida dadweynaha ee lala xiriiriyay oo uunan xita eedeymahan ka war qabin.
Oparanya ayaa carrabka ku adkeeyay in dhaliishan ay tahay mid hal dhinac ah maadaama aynan jirin cid wax ka waydiisay.
Waxaa uu tilmaamay in lacagaha iskaashatooyinka ay noqon doonaan kuwo aan la lunsan.
Sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu helay amar maxkamadeed oo uu ku xannibaya hanti dhan 28.9 milyan oo uu leeyahay siyaasigan ilaa iyo inta baaritaannada laga soo gabagabeynaya.
Barasaabkii hore ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Ambetsa Oparanya ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay ee dhanka musuqmaasuqa ay yihiin kuwo siyaasadeysan maadaama uu door firfircoon ka qaatay dibadbaxyadii isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee looga soo horjeeday natiijadii doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii.
Waxaa uu intaasi ku daray in xilli gurigiisa howlgal laga sameeyay ay saraakiisha waydiiyeen xiriirka uu la leeyahay Raila Odinga, in uu gurigiisa hub yaallo iyo inuu maalgeliyay dibadbaxyada.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Oparanya oo ay wehelinayeen xaaskiisa iyo wiilkiisa ay tageen xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Waxaa xilligaasi soo baxday inuu qoray farriin la xiriirta eedeymo musuqmaasuqa oo loo jeediyay balse waxaa uu maanta cadeeyay inuu halkaasi tagay si uu u soo qaato waxyaabo ay carruurtiisa leeyihiin oo ay la wareegeen saraakiil isku sheegay howlwadeennada EACC oo gurigiisa howlgal ka fuliyay.
Oparanya ayaa intaasi raaciyay inuu EACC ka soo qaatay taleefoonnada carruurta balse lagala haray kombiyuutar.
EACC ayaa dhankeeda sheegtay in baaritaanada lagu ogaaday in lacagaha dadweynaha si sharci darro ah lagu qaatay iyadoo la adeegsaday shakhsiyaad ay Oparanya aad isugu dhawaayeen xilligii uu ahaa guddoomiyihii ismaamulka Kakamega.
Guddigan ayaa laga soo xigtay in Wycliffe Oparanya uu intii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2022-kii si aan habboonayn oo uu ka macaashay uu ku helay 56.7 milyan oo shilin.
EACC ayaa tusaale u soo qaadatay in qandaraasle adeegsanaya magaca shirkadda Sesela Resources Limited uu 28-kii bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii si aan habboonayn 10 milyan oo shilin uu ugu kaydiyay akoonka qareenka Oparanya .
Sidoo kale EACC ayaa doonaysay in waaxda dacwad oogidda dalka ay baarto sida 2 milyan oo shilin loogu diray shirkadda Winbrics Logistics Limited oo lala xiriirinayo Oparanya.
Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in 22-kii bishii Shanaad ee sanadkii 2022-kii shirkadda Sabema International Limited ay lacag dhan hal milyan oo shilin ku xawishay akoonka bangiyeed ee khaaska ah ee siyaasigan.
Hasa ahaate , waxaa uu su’aal geliyay xilliyada lagu soo beegay howlgalka laga sameeyay hooygiisa iyo eedeymaha musuqmaasuqa ee soo ifbaxay sanado ka dib markii uu xafiiska baneeyay.
Waxaa uu tilmaamay inuu horay u soo noqday wasiirkii qorsheynta sanad kastana la sameynayay baaritaano hanti dhowr ah oo aan musuqmaasuq lala xiriirin.
Wycliffe Oparanya ayaa ballan qaaday in haddii baarlamaanka uu magacaabidiisa ansixiyo ka dibna lagu cadeeyo musuqmaasuq inuu diyaar u yahay inuu is casilo.