Oparanya:Hantideyda waa 600 oo milyan oo shilin

0
248

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kakamega sidoo kalena ahaa hoggaamiye ku xigeenkii xisbiga ODM Wycliffe Oparanya ayaa qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay 600 oo milyan oo shilin.
Xilli uu maanta ka soo hormuuqday guddiga turxaan bixinta ee baarlamaanka ayuu sheegay in hantidan ay inta badan ka kooban tahay dhismooyin iyo guriyo uu deggan yahay.
Dhanka kale , waxaa uu Oparanya soo jeediyay in la is waafajiyo amaahda Hustler Fund , lacagaha awoodsiinta ee dhallinyarada , haweenka , naafada iyo kuwa kale.
Waxaa uu ku talinaya in lacagahan uu maareeyo hal guddi si loo yareeyo qarashaadka ku baxa.
Hasa ahaate, waxaa uu xusay in mararka qaar arrintan ay noqon karto go’aan siyaasadeed oo loo daynaya madaxweynaha dalka inuu qaato.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in kenyaanka lagu wacyigeliyo in ay fahmaan ujeeddada laga leeyahay is waafajinta sanduuqyadan kala duwan.
Dhanka kale, waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono wasaaradda maaliyadda si loo dhaqangeliyo heshiisyada dhanka waxqabadka ee mas’uuliyiinta waaxyaha iyo shirkadaha dowliga ah.
Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in amaahda lacageed ee la siiyo ganacsatada yaryar ee Hustler Fund ay tahay mid kenyaanka ka saari karto saboolnimada balse hirgelinteeda la dedejiyay iyadoo uunan jirin gun-dhig sharci ah.
Shaqada ugu horreysa ee uu qaban doono haddii la ansixiyo ayuu ku sheegay inuu helo warbixin la xiriirta sanduuqa Hustler Fund si loo daboolo dulduleellada jira oo dhaqaalahan looga dhigo mid waara.
Wycliffe Oparanya oo haysta shahaadada heerka Masters ee dhanka maaliyadda ayaa sheegay inuu wado PhD.
Waxaa uu saaxadda siyaasadeed ku soo biiray sanadkii 2002-dii xilligaasi oo uu noqday xildhibaankii degaanka Butere ee Kakamega.
Waxaa sanadkii 2008-dii loo magacaabay wasiirkii qorsheynta , horumarka qaran iyo hiigsiga sanadka 2030-ka xilkaasi oo uu hayay ilaa 2013-kii.
Sanadkii 2013-kii waxaa loo doortay barasaabkii ugu horreeyay ee dowlad deegaanka Kakamega oo uu labo muddo xileed hoggaamiyay.
Sidoo kale , waxaa uu soo noqday guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG.