2 qof oo ku dhintay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Israa’iil

0
362

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan labo ruux iyadoo labo kalena ay dhaawacmeen ka dib markii meel u dhow magaalada Tel Aviv ee Israa’iil laga gaystay weerar loo adeegsaday mindi.
Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa sheegay in ay waxyeello gaarsiiyeen oo uu ugu dambeyn isbitaalka ku geeriyooday shakhsi dhalasho ahaan ka soo jeeda Falastiin oo looga shakiyay inuu dadka mindi geliyay.
Adeegga gurmadka degdegga ee Israa’iil ayaa maanta laga soo xigtay in weerarkan uu dhacay xilli hore lagana gaystay meel u dhow kaalin shidaal iyo goob baabuurta lagu baakimo oo ku yaalla magaalada Holon ee Koonfurta Tel Aviv .
Waxaa falkaasi iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka booliiska Israa’iil Eli Levi.
Dadka la dilay ayay da’doodu ahayd 66 iyo 68 sano jir halka ay dhaawacmeen 80 iyo 26 sano jir.