Qaybo ka mid ah tuulooyinka hoostega Caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Magaalada Jowhar ayaa wali wax ka socda fatahaaddaha uu sameeynayo Webiga Shabeelle oo sababay barkac shacab Fara badan oo ka Cararaya fatahaadda webiga shabeelle kaasoo 3 cisho ka hor ku fatahay tuulooyinka Baarey iyo moyko oo labadooduba u dhaw magaalada Jowhar walina Meelo hor leh ku sii Fatahaya.
fatahaadda biyaha ayaa gooyey dhul beereed aad u balaraan oo ay ku beernaayeen agabyo kala duwan inkastoo Wasaaradda Beeraha Maamul goboleedka Hirshabeelle ay sheegtay inaysan wali tiro koob rasmi ah kasoo saarin.
Isu socodka gaadiidka wadadda xiriirisa Jawhar iyo balcad ayey xanibeen biyaha Wabiga ka soo Baxay maadama ay yihiin kuwa xoog ugu baahaya deegaano dhowr ah, dhinac kale wararka ayaa sheegaya inay go’day wadadda jowhar iyo garoonka diyaaraddaha Maxamed dheere oo ay samayn ku yeesheen fatahaadda uu sameeyey Webiga Shabeelle ee Mara Magaalooyin Badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Waxa jira cabsi laga qabo inay kororto qiimaha maceeshadda kala duwan maadaama ay fatahaadda sababi karto inay yaraadaan isu socodka gaadiidka deegaanka soo geliya badeecaddaha quutal daruuriga ah.